Xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha oo sheegay inuu wado qorshe dhan ka ah dhaqamada xun-xun.

173


Shir uu soo qabanqaabiyay xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha ee DDS, oo ay ka soo qaybgaleen xafiisyo door oo ah, ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee xafiiska beeraha ee deegaanka soomalida, ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii looga hortagi lahaa dhaqamada xun-xun iyo maandooriyaha, kuwaas oo inta badan saameeya da’ yarta, Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen xafiisyo ay kamid yihiin, xafiiska haweenka, xafiiska waxbarashada, wakalada warbaahinta, iyo hayadaha amaanka ee kala gadisan, ayaa diirada lagu saarayay sidii looga wacyi galiin lahaa dhalinta dhaqamadas xun loogana hortagi lahaa.
Waxay dawladu mudooyinkii u dambeeyay dadaalo dheeri ah ay saaraysay sidii gabi ahaanba looga takhalusi lahaa dhaqamadas, waxaana xusid mudan talaabadii laga qaaday dhalinta abaabulan ee loo yaqaano jayna guruubka bil ka hor, taas oo ay bulshadu ad u soo dhawaysay, iyo 2 todobaad ka hor ololihii lagu beegsaday goobaha inta la kiraysto lagu qayilo ee loo yaqaano “maqaamiya beyd” oo ku kala yaalay, 14 xaafadood oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee Jigjiga, laguna burburiyay in ka badan 200 oo ah qalabka loo yaqaano “shiishada” oo ah mid inta badan ku soo badanayay magaalada caasimada ah ee Jigjiga iyo deegaankaba.