Xeer ilaaliyaha guud ee JDFI oo sheegay in dhacdadii 15kii Sane ka dhacday Bahardaar iyo Addis ababa uu ka dambeeyay Generaal asaaminew Tsige .

187


Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa warsaxaafadeedkii uu maanta soo saaray ku cadeeyey in dilkii 15kii sane hogaaminta sare ee dawlada loogu gaystay bahardaar iyo Addis ababa ay ahayd iskuday afganbi oo uu Birgeedher Generaal asaaminew Tsige soo abaabulay.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka mudane birhaanu tsegaaye ayaa war saxaafadeedka uu warbaahinta lawadaagay kucadeeyey inay baadhis kuxaqiijiyeen in dilkii 15kii sane ee 2011ka magaalada baahirdaar ee xarunta deegaanka Amxaarada loogu gaystay madaxwaynihii deegaanka Amxaarada Dr Ambaachew makonin iyo masuuliyiinta deegaanka Amxaarada ay gaysteen xubno doonayey inay dawlada deegaanka Amxaarada Afganbi kuqabsadaan oo hogaaminayey madixii hore ee Amniga deegaankaasi Birgeedher Generaal asaaminew Tsige

Mudane birhaanu Tsegaaye ayaa tilmaamay in xubnaha afganbigii dhicisoobay waday ay madaxtooyada ciidan katirsan liyuu booliska deegaanka oo ay khaldeen kugadaameen, islamarkaana ay madaxwaynihii deegaanka Amxaarada Dr Ambaachew makonin iyo 2 xubnood oo hogaaminta deegaanka ugu saraysa kamid aha xabad kudileen.

Sidookale, xeer ilaaliyaha oo sheegay inay hayaan cadaymo dukumiinti iyo markhaatiyaalba ayaa in xubnaha afganbiga iskudayey isla maalintaas kudileen 15 ruux. hal ay 20 qofna dhaawacyo kaladuwan ugaysteen.

Sidookale xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in falkii magaalada addis ababa laga fuliyey ee Abaanduulihii ciidamada difaaca dalka generaal sacare makonin lagu dilayna uu gaystay Askari katirsan ilaalada khaaska ah ee abaanduulaha ciidamada oo lagu magacaabo 3 alifle masaafinti, islamarkaana ay xubnaha afganbiga waday kudoonayeen in ciidamada qoomiyad iyo qabiil loo kalaqaybiyo kadibna ay dawlada dhexe sidaas kuqabsadaan.
dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee dalka birhaanu segaaye ayaa sheegay in falkan lagu qaqabtay 114 Qori oo AAKAY ah, 3 qori oo bireem ah iyo hub kale oo tiro badan.

xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ay dadka looga shakiyey inay kulug lahaayeen falkan laga qabtay baabuur falaashyo iyo kombuyuutaro kaladuwan.

dhanka kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in iyadana ladoonayey in ladilo abaanduule kuxigeenka ciidamada qaranka generaal birhaanu jillo laakiin ay kuguul daraysteen xubnihii falka soo maleegay.

mudane birhaanu ayaa sheegay in afganbigan dhicisoobay ay asaaminoow tsige iyo xubno aktifiistayaal ah wakhti badan kubixiyeen.
xeer ilaaliyaha ayaa cadeeyey in falkan loo xidhxidhay 277 shaqsi oo magaalada baahir daar iyo aageeda laga qaqabtay.iyo 144 shaqsi oo magaalada Addis ababa laga qaqabtay

xeer ilaaliyahay guud ee dalka mudane birhaanu tsegaaye ayaa sheegay inay baadhista falkan kaqaybqaateen xeer ilaalinta guud, booliska federaalka, booliska deegaanka amxaarada , laanta sirdoonka iyo nabadsugida federaalka, ciidamada gaashaan dhiga, iyo booliska ismaamulka Addis ababa.

ugu dambayntiina xeer ilaaliyahay guud ee dalka ayaa cadeeyey inuu 7aadka dambana uu sidan oo kale xaalada guud ee nabadgalyada dalka warsaxaafadeed uga soo saari doono.