Degmada Gursum beeraha oo sanadkan si fiican u soo go’ey.

101


Beeralayda tuulada Gol-jano ee degmad Gursum, oo ka mid ah degmooyinka gobolka Faafan ayaa ku hawlan go’eynta iyo hagaajinta dalagayada kala duwan ee ka soo baxa beerahooda, waxaana ka mid ah dalagyadaas Lawska, Hadhuudh yar yarah iyo Galeyda oo sanadkan si fiican uga baxey naxaawiga degmada Gursum.
Waxaana degmadan lagu xusuustaa in ay caan ku tahay Lawska, kaasi oo ay sanadkan beeralaydaasi u raadinayaan suuqii ay u iib geyn lahaayeen.