Horu marinta aas-aasiga ah ee suuq geynta gaaska dabiiciga ah iyo shidaalka oo dhawaan la bilaabayo.

175

Wasaarada macdanta, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ayaa sheegtay in dhawaan labilaabayo dhismaha hawlaha hormarinta aas-aasiga ah ee suuqgaynta Shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Deegaanka soomaalida.

Wasaarada shidaalka iyo gaaska itoobiya oo bahwadaagta kaladuwan kaashanaysa ayaa maanta furtay bandhig carweedka iyo shirwaynaha caalamiga ah ee Macdanta.

Wasiirka wasaarada macdanta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah Dr Samuel urqaato oo maanta Furiinka Shirwaynaha iyo bandhig carweedka caalamiga ah ee macdanta kahadlay ayaa sheegay inay wasaaradu ku hawlan tahay sidii ay muddo 2 sano gudaheed ah ku dhoofin lahayd suuq gayna ugu samayn lahaayeen shidaalka caydhiin ee deegaanka soomaalida.

Wasiirka ayaa sheegay in ay gaba gabo marayaan hawlaha lagu bilaabayo dhismaha Tuunbooyinka gaaska qaada iyo Xarunta sifaynta gaaska ee kasoo bilaamaya goobaha shidaalka laga qodayo ilaa Djabuuti, islamarkaana lagu garab wadi doono shaqooyinka kale ee hormarinta aas aasiga ah.

Dr Samuel ayaa sheegay inay diyaar garoow balaadhan wadaan, maadaama ay hawlaha soosaarida shidaalku xili dheer iyo taxadar ubaahan yihiin.

Wasiirka macdanta, Shidaalka iyo gaaska JDFI Dr Samuel Urqaato ayaa cadeeyey inay wadaan sidii siyaasadaha iyo shuruucda Maalgashiga shidaalka dibu habayn loogu samayn lahaa, si markaasi loo abuuro xaalad kuhaboon Maalgashiga deegaanka shidaalka laga helay.

Dr Samuel ayaa tilmaamay in lafilayo in dhawaan la ansixiyo bayaanka adeega shidaalka islamarkaana marka ay baarlamanka dalku ansixiyaan si dhakhsa ah loo hirgelin doono, iyadoo dib uhayn lagu wado siyaasada xogta deegaanka (Ecology information ) islamarkaana lasaxayo caqabadaha kajira dhanka daraasaadka iyo fidinta xogta.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasadani ay tixgelinayso kafaa’iidaysiga maalgashiga , Fulinta canshuuraha(Vat)kobaca dhaqaalaha sarifka qalaad, Shaqo abuurka iyo arrimo kale oo badan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in lafuliyey nidaamka arimaha maamulka arrimaha shidaalka iyo casriyenta xogaha oo online ah.

Dhanka kale, Wasiirka macdanta iyo shidaalka dalka Dr Samuel urqaato ayaa sheegay in la aas-aasay gudi iskudhaf ah oo uu R/wasaaruhu hogaamiyo oo xaliya dhibaatooyinka shirkadaha shidaalka ka shaqeeya kala kulmaan maalgashiga goobaha miyiga ee dalka.

Xogta wasaarada macdanta shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee JDFI ayaa sheegaysa in 3dii bilood ee hore ee sanadkan ay Wasaarada Fasax waydiisteen ku dhawaad 30 shirkadood oo tiiba haysato inkabadan 5 bilyan oo birr.

Ugu dambayntiina dhul baaxadiisa lagu qiyaaso 350 kun oo KM2 oo kuyaala deegaanka Kaalub iyo elaale ayaa Lafilayaa inuu kujiro 8 ilaa 10 Trilion oo mitir kubic oo fit oo gaaska dabiiciga ah.