Shirkii gudiga fulinta ee XDS oo furmay.

111

Gudiga fulinta ee Xisbiga dimuqraadiga Soomalida (XDS) ayaa hada shir uga furmay xafiiska madaxweyna DDS, shirkan oo uu hogaaminayo, gudoomiye ku xigeenka Xisbiga dimuqraadiga Soomaalida, ahna madexweyna deegaanka Soomalida, Musdafe Muxumad Cumar, ayaa lagaga doodayaa 2 qodob oo kala ah
1 barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga hodantinimada ee loo soo gaabiyo PP
2 xeer hoosaadka isla xisbiga PP.
waxayna goluhu gacan taag ku ansixiyeen, in si qoto dheer looga doodo labadaas qodob, waxaana gudiga fulinta ee xibiga lagu wadaa, in ay, si qoto dheer u lafa-guraan, nuxurka ay qodobadani xambaarsan yihiin, ay yihiin kuwo ka turjumaya danaha shacabka Soomaliyeed iyo inkale.
Go’aanka shirka ka soo baxana dib ayaan ka soo sheegi doona.