Shirkii gudiga fulinta ee XDS oo soo gaba gaboobey.

220

Shirkii gudiga fulinta, XDS ee lagaga doodayay barnaamijyada siyaasadeed iyo xeer-hoosaadka xisbiga Barwaaqada ee PP, ayaa soo gabogaboobay.

Eng, Maxamad Shaale Isaaq, madaxa xarunta dhexe ee XDS, ayaa ugawaramay, wakaalada warbaahinta deegaanka soomaalida, go’ankii ka soo baxay shirka.
Waxaa uu mudane, Shaale sheegay in dhamaan qodobadii ay dhawaan soo jeediyeen XDS, si buuxda loogu xusay, xeer hoosakan uu yeelanayo xisbiga Barwaaqada ee PP, qodobadaas oo sibuuxda u sugaya xuquuqaha iyo danaha shacabka soomaliyeed sida
– in la xaqiijiyo nidaamaka ismaamul ee fadaraaliga qawmiga ku dhisan, ee dastuurka dalku sugayo
– in luqada Soomaaligu ay ka mid noqoto, luqadaha qaran ee xisbigu ku shaqeenayo
– in uu xisbigu noqdo mid u halgamaya xuquuqaha dadka xolodhaqatada ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay( ururka EPRDF ayaa ahaa mid u taagan dadyawga beeralayda ah oo kaliya)
-in xisbigu dadaal gaar ah uu galiyo deegaanada dib u dhacay.
Maxamad shaale aya intaas ku daray, in maadamo dalabyadii XDS laga jawabay, ay iyaguna cod buuxa ku ansixiyeen in lagu biiro xisbiga Barwaaqada ee PP, go’anka gudiga fulintana ayaa bari oo Arbaca ah la horgayndoono Golaha dhexe ee XDS, go’ankaas Golaha Dhexena waxaa la horgayndoona Shirwaynaha XDS.