Golaha xil-dhibaanada iyo hogaaminta sare ee DDS oo uu kulan uga socdo madasha kaali 2.

228


Kulankan oo ka socda madasha shirararka Kaali 2, ee madaxtooyada Degaanka Soomaalida, aya waxa ka soo qayb-galay, hogaaminta sare ee DDS, xubnaha Golaha xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta Xarunta dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, XDS, u jeedada kulankan ayaa ah, sidii bulshada deegaanka soomaalida fahan buuxa looga siin lahaa, ahmiyadaha siyaasadeed ee ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay in lagu biiro xisbiga Barwaaqada.

Waxayna mas’uuliyiintu ku dheeraadeen inay xusan nuxurka ku duugan ka mid noqoshada xibigan, Waxayna tilmaameen, mas’uuliyiintu in xisbigani waxyaabo badan ugaga gadisan yahay Soomaalida, marka la eego xisbiga talada hada haya ee EPRDF sida–IN xisbigani uu yahay mid lawada leeyahay oo aan u xidhxidhnayn Qoomiyado gaar ah–IN markii ugu horaysay abid taariikhda Itoobiya, ay Soomaalidu soo fadhiisanayso miiska lagu go’aminayo masiirka siyaasadeed ee dalka iyagoo la siman qoomiyadaha kale ee dalka–IN xisbiga Baarwaaqadu uu yahay mid si buuxda u sugaya xuquuqaha ay leeyihiin dadyowga xoola dhaqatada ah, oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa xusid mudan in DDS, ay dadaal dheer u gashay mudadii ay jirtay in la sugo wixii xaquuqo ah, ee shacabka soomaalida wali kaga maqan xaga dawlada dhexe.