Shir ku saabsan biyo xidheenka Abay oo Jig jiga lagu qabtey.

161

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee deeegaanka somalida ayaa looga hadlay xaalada biyo xidheenka abay uu wakhtigan ku sugan yahay

Iyo wacyi galin ku saabsan heerka ka qayb galka bulshada ee biyo xidheenka

Maadaama uu biyo xidheenkan yahay mid ahmiyad balaadhan ugu fadhiya dalka dhismihiisana si xoogan looga wada qayb qaatay

Kulanka ayaa waxaa furay khudbadna kas oo jeediyay madaxwayne ku xigeenka DDS mudane Aadan  Faarax Ibraahim

Furitaanka shirka kadib waxaa madasha lagu soo bandhigay war bixin ku saabsan biyo xidheenka taasaa Cabdi cali shagax si qoto dheer ugu faah faahiyey baaxada biyo xidheenkan dhismihiisu watigii ilaa hada iyo habkii bulshada dalku uga wada qayb qaadatay dhismaha biyo xidheenkan iyo faa’iidada dhaqaale iyo hormarineed ee uu dalka uu u leeyahay

Waxaa sidoo kale ka hadshey madasha Roomaaan gabre salaase

Gudoomiyaha gudiga isku dubaridka abaabul biyo xidheenka abay

Madaxa xafiiska abaabulka iyo ka qayb galka bulshada biyo xidheenka dibu curashada dalkeena