Mashruuc loogu tala galay deegaanada xoolo dhaqatada oo la daah-furey.

138


mashruucan oo ay ka faa’iidaysanayaan 100 degmo oo ku kala yaal Deegaanada Soomaalida,Canfarta,Benishangul,Gambela,Oromia iyo shucuubta koonfureed ayaa waxaa ku baxaysa 451 milyan oo Doolar.
waxaana miisaaniyadan bixin doona bangiga adduunka iyo hay’ada IFAD.
mashruucan ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona in ka badan 2.5 milyan oo qof.
30% haween iyo 20% dhalinyaro ayaa sidoo kale ka faa’iidaysan doona.
mashruucan ayaa xoogga saari doona daaqa, masnooyinka iyo kor uqaadida nolosha xoolo dhaqatada.
waxa uuna socon doonaa 6 sano.
munaasibada lagu daah-furey ayaa waxaa ka qayb galay wasiiro, madax-weynayaasha deegaanada, madaxda xafiisyada beeraha iyo xoolaha ee deegaanada laga fulin doono mashruuca iyo deeq bixiyayaal.