Itoobiya waxa ay taagan tahay catabad khatar ah.

195

Isbadalkii ka dhacey wadanka Itoobiya sanadkii horena ay bilaabmeen midhihiisu, inkasata oo uu mudo soo taxnaa, hada waxa ay taagan tahay Itoobiya ama ay mareysaa meel kala guur ah oo halis ah, tusaale ahaan waa adiga oo jid dheer oo rafaad badan soo qaadey oo aakhirkii soo gaadhey meel ay wadooyin badan ku kala leexdaan ku halaq galeen ah iyo kuwo fiicanba.

Hadaba hadii ay is abaabulka ururada siyaasada ee muxaafad iyo mucaaradba lihi, ay si turxaan la’aan ah ugu gudbaan jidka doorashada xorta iyo xalaasha ah waxa uu noqon wadan ka mid ah kuwa ugu saameynta badan qaarada Afrika, hadiise khalkhal iyo amni daro dhacdo waxa uu ka shalwan waadaan dheer oo sida looga soo saaraa ay adkaan doonto.

Ilaa hada sid aay waxa u socdaan waa mid yididiilo leh oo muujineysa in ay wax walba si habsami leh u socdaan, taas oo rajo fiican galinaysa cid walba oo daneyneysa arimaha geeska Afrika.Waxaa haboon in dhamaan la iska kaashado gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee isku haya siyaasada wadanku in ay gaadhsiiyaan meel la wada mahadiyo.