Seeraha duurjoogata qaran ee Gerraalle ee gobolka Daawa ayaa wada hawlo lagu hormarinayo dhaqaalaha dalxiiska.

148


Seeraha qaranka ee Garraale (Gerrale National Parka) ayaa Wada Hawlo lagu Hormarinayo Khayraadka dihin ee Seeraha islamarkaana lagu kor loogu qadayo ilaha dhaqaale ee dalxiiska deegaanka.

Seeraha duurjoogta Qaran ee gerraale oo ah xarun dalxiis oo kutaalaa gobolka daawa ee DDS ayaa Waxaa la aas-aasay sanadkii 1998T.I, waxaana Maamulkiisa ilaa 2002dii gacanta kuhayey dawlada deegaanka soomaalida, iyadoo 2002dii Maamulka Seeraha Qaran ee Gerraale lagu Wareejiyey Wakaalada horumarinta iyo daryeelka duurjoogta ee JDF itoobiya, Maadaama uu Seeruhu 2 dal Xuduud lawadaago, islamarkaana ay Shuruucda Maamulka Seerayaasha iyo Carwooyinka duurjoogta dalku xeerinayaan in hadii Goobaha duurjoogtu 2 deegaan ama 2dal Xad lawaagto ay Maamulkeeda dawlada federaalku Gacanta kuhaynayso.

Hadaba Seeraha Qaran ee Garrale ayaa Caasimada dalka ee Addis ababa dhinaca koonfur bari uga jira Masaafo dhan 890KM.

Sidookale, seerahan Qaran ee gerraale oo kamid ah 13 seere Qaran ee ay Wakaalada hormarintarinta & daryeelka duurjoogta dalku Maamusho ayaa Waxaana kudhaqan inkabadan 200 Nooc oo shimbiraha kala duwan ah islamarkaana aan intooda badan Qaybaha kale ee dalka iyo dunidaba laga helin. Halka ay inkabadan 40 nooc oo duurjoogta naaslayda ah oo iyaguna gaar u ah DDS kunool yihiin Seeraha, ayaa waxaa kamid ah kuwa ugu muhiimsan duurjoogta laga helo Gerraale National Park:- Gariga, goodirka , garanuug iyo noocyo daanyeero ah oo Gaar ah…iwm.

Agaasinka Waaxda Horumarinta daraasaadka iyo Wacyigelinta ee Seeraha Qaran ee Gerraale Mudane C/Wali Xuseen ayaa Sheegay inay Wadaan Hawlo kor loogu qaadayo Fahanka ay bulshada deegaanka Baarkigu uleeyihiin khayraadka dalxiiska Seeraha islamarkaana lagu doonayo in in Khayraadka dihin ee seeraha bulshada dalka iyo Beesha caalamka lagu baro, si dhaqaalaha dalxiiska deegaanka kor loogu qaado.