Dood cilmiyeed ku saabsan isticmaalka baraha bulshada oo Jig jiga lagu qabtey.

121



Kulan dood cilmiyeedah oo ay soo agaasimeen dhalinyarada deegaanka iyo qaar ka mid ah qurba joogta ayaa ka qabsoomey magaalada Jigjiga, waxaana ka soo qayb galey dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada, odayaal dhaqameedka, aqooyahan iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta heer deegaan.
Doodan ayaa lagu lafa gurey dhibaatooyinka ay keeni karaan si xun u isticmaalka baraha bulshada (social media), gaar ahaan wararka been abuurka ah ee meelahaas lagu faafiyo kuwaas oo abuuri kara iska hor imaad bulshada dhexdeeda ka dhaca.