Xafiiska xanaanada xoolaha oo xadhiga ka jarey xarun caafimaad.

114


xafiiska xanaanada xoolaha ee DDS ayaa maanta xadhiga ka jarey xarun caafimaad oo xanaanada xoolaha ah, taasi oo laga yagleeyey degamada Shilaabo ee gobolka Qoraxey, waxaana furey maanta wasiirka xafiiska xanaanada xoolaha mudane Dayib Axmed Nuur.
waxa ay leedahay xaruntani maanta la furey shaybaadh casri ah, oo lagu baadhi doono xanuunada xoolaha ku dhaca ee kala duwan, waxaa ay sidoo kale ay leedahay xaruntani wixii ay ku bixin lahayd adeeg caafimaad oo sareeya.
Xaruntan ayaa la sheegey in ay ku baxdey lacag dhan 5 milyan oo birr, waxaaney u adeegi kartaa ku dhawaad 25 kun oo neef.