Khudbadihii laga jeediyey xafladii gudoonsiinta RW Abiy bilada nabada.

137

Waxaa maanta lagu qabtey madasha lagu bixiyo bilada nabada (Nobel Peace prize), ee ku taala caasimada Wadanka Noway ee Oslo xaflada lagu gudoonsiinaayey ra’iisal wasaaraha Itoobiya mudane Abiy Axmed Cali, taasi oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf fara badan oo kal duwan.

Abiy bilada nabada

Ugu horeyn waxaa ka hadashey gudoomiyaha gudiga bilada bixiya ee hay’ada Nobel Berit Reiss Andersen, waxaaney ka war bixisey sababaha RW Abiy Axmed loogu xushey in la siiyo sanadkan 2019 ka bilada nabada, waxaaney xustey nabada uu ra’iisal wasaaruhu sababta u ahaa ee ka dhex dhalatey Itoobiya iyo Eratariya, waxay intaas ku dartey sida uu RW dalkiisa kor ugu qaadey kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaa ay intaas ku dartey Andersen kaalinta uu dumarka ka siiyey dawladiisa oo ay tusaale u soo qaadatey Mufriyaad Kaamil oo ka qayb galayaasha xaflada ahayd,ilaa madax weynihii dalka ayuu ka dhigey haweeney.

Waxa ay BERIT  aad ugu nuux nuuxsatey in Dr, Abiy tusaale cad u yahay nolosha kala kaanka ah iyo kala duwanaanshaha ka jira Itoobiya maadama ay labada waalid oo kala diin ah iska dhaleen, waxa ay aad u adkeysey in RW is waafajiyey masaalixda kala duwan ee ay kala leeyihiin wadamada ku yaala Bariga Afrika, waxa ay tusaale u soo qaadatey qofkii Afrikaanka ahaa ee loogu horsiiyey bilada Nabada kaasi oo ahaa Albert Lutuli oo ahaa macalin u dhashay wadanka koonfur Afrika kaasi oo bilada la siiyey 1960kii.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo madasha isna ka jeediyey khudbad qiimo badan ayaa sheegey in uu aqbaley biladan in uu qaato isaga oo ka wakiil ah shacabka Itoobiyaanka ah, gaar ahaan kuwa nabada u soo marey dhibaatada badan, sidoo kale waxa aan ku aqbley buu yidhi aniga oo ka wakiil ah Afrikaanka.

Waxa uu RW dib u xusuusiyey ka soo qayb galayaasha dhacdooyinkii ku qabsadey dagaalkii ka dhacey tuulada Baadhame sanadkii 1998kii, taasi oo uu si buuxada u sawirey waxa ku dhacey saaxibo badan oo uu lahaa, waxaan god Dacawo ( Dawoco) kala baxey buu yidhi sidii aan isgaadhsiinta ugu heli lahaa in ay soo qabaneyso Anteeno, markii aan soolabteyna dhamaan saaxiibadey waxa ku ahbsadey buu yidhi Artaleeri.

Waxaa dhamaadey buu yidhi xaaladii aan nabada iyo colaada midna ahayn ee u dhaxeysey labada dal, maanta waxaan dhisney buu yidhi: nabadii oo aan u sameyney rajo wanaagsan, sidoo kale waxaa dib u midoobey qoysaskii dagaalku kala gooyey, waxaa kale oo uu xusey in dib xidhiidhkii diblomaasi ee labada dal dib loo soo celiyey, sidoo kale xidhiidhki isgaadhsiineed ee ka  dhexeeyey labada dal ayaa soo noqdey sida uu yidhi.

Wuxuu aad ugu celceliyey nabada iyo dhirtu waxyaabaha ay wadaagaan taasi oo ay ugu muhiimsan tahay nolosha.

Aragtida MEDEMER-ka ayaa Rw ka waramey halka ay asal ahaan ka soo jeedo, waxa uu sheegey in uu ku dhashay tuulo yar oo ku taala gobolka Oromiya oo la yidhahado Beshasha,  halkaasi ma lahayn buu yidhi koronto, biyo qasabado qaadaan iyo wadooyin laami ah waxbana ma anaan haysan ayuu yidhi, waxaase aniga iyo walaalladey naga dhexeeyey is jaceyl, bartaas ayuu  ka soo bilaabmey Mademer ayuu yidhi, fikrada Mademer ma jiro waxa la yidhaahdo buu yidhi Anaga iyo Idinka ee waxaa jira Inaga, waxaan leenahay buu yidhi maah maah tidhaahda “በሰላም እንድታድር ጎረቤትህ ሰላም ይደር”

“yoo ollaan nagayaan bule, nagaan bulanni.” Taas oo macneheedu yahay: “ nabadaadu waxey ku xidhan tahay nabada deriskaaga”, waxaana wadaag odhaahdan Afrikaan badan sida uu sheegey.

Waxaa n rabnaa buu yidhi bariga Afrika in uu noqdo guriga nabada oo lagu soo hirto sheekada argagixisaduna in ya ka dhamaato, anagu waxaan maal galineynaa oo aan iibineynaa waa nabad ayuu yidhi: