Ra’iisal-wasaare Dr Abiy Axmed oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Norway marwo Erna Solberg.

183

Raysul-wasaaraha dalka itoobiya Dr Abiy Axmed oo maalintii shalay dalka Norway lagu gudoonsiiyay bilada nabada aduunka, ayaa kulan wada xaajood ah la yeeshay raysul wasaaraha dalka Norway marwo Erna Solberg
Waxayna labada masuul kawada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee labada wadan, gaar ahaan taabagalinta hanaanka isbadelka dalka itoobiya, dimuqoraadiyada, adkaynta nabadda iyo xasilloonida geeska Africa.
Waxaa kale oo diirada lagu saaray intii uu wada hadalku socday adkaynta iyo sii xoojinta waxqabadka siyaasadeed, dhaqaalaha iyo howlaha horumarinta bulshada ee ka socda dalka itoobiya.