Madaxwaynaha Oo Booqday Xarunta Daryeelka baahiyaha gaarka ah qaba DDS.

156

Madaxwaynaha dawlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa booqday xarunta daryeelka iyo daawaynta dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo laga hirgaliyay xarunta deegaanka soomaalida ee magalada jigjiga.

Madaxwaynaha ayaa intii uu ku gudo jiray booqashadan soo kormeeray qaybaha kala duwan ee xaruntani ka kooban tahay halkaasina waxaa faafaahin ka siiyay qaar kamida xaruntani iyo qalabka ay ku shaqaynayaan.

Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar ayaa xaruntan kula kulmay xubno naafo ah oo hada ka hor nasiib aan u yeelanin in deegaankooda ay ka helaan qalabka naafada ee ay u baahan yihiin una doonan jiray meelaha ay ugu sokeyso diredawa iyo caasimada dalka ee addis ababa.