Mashruuca korontada ee magalada Qabri-dahar oo gabogabo maraya.

145

Mashruuca quwada korontada ee magaalada qabri dahar oo mudo socday ayaa maraya meel gabogabo ah.

Mashuruucan laydhgalinta qabridahar ayaa waxaa la dhamaystiray tiirashii laydhka ee Goday laga soo jiidayey oo soo dhaxmaraya inta udhaxaysa magalada goday ilaa iyo qabridahar tuulooyinka uu marayona looga faaidayn doono helitaanka laydhka.

Waxaa kale oo dhamatay dhismaha xarunta quwada korontada ee kutaala magalada qabridahar, taagida tiirasha laydhka iyo khadadka magaalada u qaybinaya, dhismaha rugaha ama xarumaha qaybiya laydhka ee gudaha magalada Qabridahar.

Dhinaca kale waxaa iyana si fiican usocda howsha guri walba laydhka loogu galinlaha.

Mashruucan laydh galinta magalada qabridahar ayaa ah mid quwada uu leeyahay laydhkani looga faaidaysanayo ama loo adeegsan karo warshadaha waawayn.

Mashruucan laydh galinta magalada Qabri-dahar ayaa marka uu bilaabo shaqadiisa noqonaya mid waxwayn ka badali doona adeegyada bulshada gaar ahaan horumarka magalada,dhaqaalaha iyo ganacsiga bulshada.