Golaha wasiirada JDFI ayaa ka dooday arimo kala duwan go’aamana ka soo saaray.

219


Golaha wasiirada JDF itoobiya ayaa kulnakoodii 77aad kaga dooday arrimo badan oo kaladuwan islamarkaana go’aano kasoo saaray.

Golaha ayaa ugu horayntii sifiican ufalanqeeyey bayaanka Qabyda ah ee nidaamka maamulka Mashaariicda dawlada federaalka, iyagoo kadib Markii ay Bayaan Qabyeedka Waxkabadaleen ugudbiyey Golaha wakiilada shacabka si ay u ansixiyaan.

Sidoo kale Golaha wasiirada dalka ayaa kadooday Xeerka dib u aas-aasida Shirkada Macdanta, Shidaalka iyo dhuxusha dabiiciga (Biofuel) ee itoobiya, islamarkaana kadib Markii ay Goluhu si wanaagsan ufalan qeeyeen Wax-kabadalisna ku sameeyeen Xeerka Shirkada Macdanta, Shidaalka iyo dhuxusha dabiiciga ee itoobiya,
ayey go’aamiyeen in sidaas lagu Hawlgeliyo Xeerka dib u aas-aasida Shirkada.

Dhanka kale, Golaha wasiirada JDFI ayaa kadib Markii ay si balaadhan uga doodeen Bayaanka aqoonsiga Heshiisyada iyo Fulinta go’aanada garsoorka wadamada dibada ayey Goluhu bayaan Qabyeedka ugudbiyeen Golaha wakiilada shacabka ee dalka si ay u ansixiyaan.

Ugu dambayntiina Golaha wasiirada dalka ayaa kadib markii ay isla eegeen waxna kabadaleen bayaanka Qabyada ah ee Heshiisyada ay Wasaarada Arrimaha dibadu lagashay Wadamada beesha caalamka ayey Bayaanka Qabyada ah ee Heshiisyada dibada ugudbiyeen Golaha wakiilada shacabka si ay u ansixiyaan.