Xubno aqoonyahano ah oo arimaha doorashada ka hadlay.

217


Qaar ka mid ah aqoonyahanka DDS oo nu ku martiqadnay xarunta warbaahinta deegaanka ayaa kahadlay arimo ku sahabsan doorashada dalka ee fooda inagu soo haysa.
Aqoonyahankan oo aan wax kawaydiinay sida ay u arkaan diyaargarowga nidaamka doorasho ayaa tilmaamay in xisbiyada kasoojeeda Deegaanka Soomaalida looga baahan yahay inay soo bandhigaan barnaamijkoda siyaasadeed si bulshada ay uugu suurta gasho inay kala doortaan asxaabta siyaasadeed ee ku tartamaya doorashada heer fadaral,heer deegaan,iyo heer maamul magaalo.
Aqoonyahanka ayaa hoosta ka xariiqay in loobaahan yahay in bulshada la fahansiiyo ahmiyada ay leedahay doorasho xor iyo xalala,islamarkaana la baro bulshada shuruucda iyo geedi socodka nidaamka doorashooyinka,si loo helo nidaam dimuqraadiyadeed.
Xubnahan aqoonyahanka ah ayaa intaa ku daray in ay lagama maarmaan tahay in asxaabta siyaasaded ee Dds ee ku loolamaya doorashadan fooda inagu soo haysa in ay kawada shaqeeyaan danta guud iyo sidii ay doorashadani si nabadgalyo ah dimuqraadiyadna ku dheehan tahay uga dhici lahayd deegaankeena iyo dalkaba.
Gabo gabadii ayaa aqoonyahankani bulshada qaybaheeda kala duwan ku booriyeen inay waxwalba ka horaysiiyaan nabadgalyada,midnimada umada iyo kawada shaqaynta danta guud.