Kal fadhigii golaha xildhibaanada degmada Awbare oo furmay.

99


Waxaa ka furmay madasha shirarka ee degmada Awbare kalfadhigii 11aad ee golaha xildhibaanada degmada awbare.
Kalfadhigan oo ay ka soo qaybgaleen xubnaha golaha xildhibaanada degmada awbare ayaa waxaa furay afhayeenka golaha xildhibaanada degmada Awbare mudane Aadan Ciise Xaaji oo si kooban u soo dhigay waxqabadka xafiiska golaha xildhibaanada ee degmada awbare afhayaanka ayaa sheegay in ajandaha maanta horyaala golaha xildhibaanadu yahay dhagaysiga iyo ansixinta warbixinta waxqabadka degmada ee 6dii bilood ee la soo dhaafay.
Waxaana soo jeediyay warbixinta waxqabadka lixda lixda bilood, gudoomiyaha degmada awbare mudane cabdirisaaq carab faarax.
Dood dheer ka dib warbixinta ayaa golaha baarlamaanka degmada awbare waxay ku ansaxiyeen cob buuxa.