Gudiga doorashada qaran ee Itoobiya oo Warbaahinta uqabtay kulan looga hadlayo Anshaxa Warbaahinta & nidaamka tabinta doorashada.

334


Gudiga doorashada qaran ee JDFI ayaa Bahda warbaahinta dalka uqabtay kulan dood cilmiyeed ah oo Afkaar gashi ah unoqda Qorshe hagaha qabyada ah ee anshaxa iyo nidaamka Tabinta doorashada ee Warbaahinta iyo Wariyaasha.

Qorshehagaha qabyada ah ayaa cadaynaya in Warbaahinta & wariyaashu ay goobaha cod bixinta ka fogaadaan ilaa 200 Mitir islamarkaana ay fasaxa Tabinta doorasha ay gudiga doorashada Qaran waydiistaan.

Sidookale xeerka Warbaahinta iyo doorashada ayaa mamnuucaya inay warbaahintu wax taageero iyo buun buunin xisbi siyaasadeed ah muujiso.

Qorshe hagaha Qabyada ah(draft guide)ayaa xeerinaya in Wariyaasha iyo Warbaahintu tabiyaan xog xaqiiqda iyo runta dhabta ah kusalaysan oo ilo xogeed lagu kalsoonyahay lana yaqaano laga soo xigtay.

Sidookale kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka Fasax siinta barayaasha Tacliinta cod bixiyeyaasha iyo milgaha iyo walib qorshe hagaha Anshaxa doorashada.

Gudiga doorashada Qaran ee itoobiya ayaa sheegay fagaarahan loo qabtay si 2da Qorshe hage looga doodo islamarkaana Fikiro gashi unoqda nidaamyada doorashada iyo Warbaahinta loo uruuriyo bahda saxaafada dalka.