Jawaabaha ugu muhiimsanaa ee R/wasaare Dr Abiy Axmed ka bixiyey Su’aalihii ay Baarlamanka dalku waydiiyeen.

174

isbadalka kahor itoobiya waxay gaadhay heer uuna wadanku horay usocon karin oo cakiran.• isbadalka kadib waxaa lagu guulaystay in Maxaabiis tiro badan oo wadamada dibada kuxidh xidhnayd lasii daayo.• Waxaa dalka lagu soo celiyey siyaasiyiintii dalalka kala duwan wadanka looga masaafuriyey, waxaana lagu guulaystay inaan warbaahinta lacabudhin oo dadku afkaartooda si xor ah ucabiraan• Shuruucdii Cabudhinta ahayd intooda badan dib uhabayn baan kusamaynay,Aasaaska dhibaatooyinkuna Waxay ahaayeen kuwo uu xisbiga wadanka hogaamiya itoobiya kadhex abuuray.• Asaliyan dhibaatooyinka itoobiya kadhacay intooda badan xisbiga talada dalka hayey ayay kadhasheen. • Markaan kahadalno Xaalada Afduubka Ardayda, Maadaama ayna Jirin cid Sheeganaysa inay kulugleedahay Afduubka ardayda, Waxaan kagaabsanay inaan xog aan laxaqiijin oo deg deg ah bulshada usheegno, hase ahaate Xaaladaha Kale ee Arrintan si dhaw ayaan shacabka ula wadaagnaa•wadahadalo kaladuwan ayaan kagalnay Afduub ardayda, jawaabcelinna bulshada waan lawadaagnay, wadahadalana way noo socdaan.laakiin ilaa hada cid masuuliyada afduubka ardayda qaaday majirto.• waxaa jira gudi uu R/wasaare kuxigeenku hogaamiyo siwanaagsan uga shaqeeya islamarkaana hadba halkay wax marinayaan xogta noo soo gudbiya.• ciidamada gaashaan dhiggu, wakhti Xaadirkankan shaqadooda ayey wataan, ilaa haddana dhibaatooyin Ba’an oo nalooga sheegay dhanka ciidamada majirto..Sidookale waxaa waxwayn laga qabtay qaabdhismeedkii guracnaa ee hay’adaha amniga dalka• R/wasaaraha ayaa tilmaamay inay dawladu wado Qorshayaal lagu dhisayo qaabdhismeedka fulineed ee haya’adaha dawlada islamarkaana lagu guulaystay talaabooyin wanaagsan oo wadanka hormar uhorseedaya.• waxaan jecelahay inaan idiin xaqiijiyo inaan kagudubno siyaasadan guracan oo aan abuuro marxalad aan dalkeena itoobiya horay ugu siiwadi karo• Xiliyadii udambeeyey waxaa lagu guulaystay in laga hortago falal khatar ah, oo dalka dumin lahaa,Haya’daha Amniguna waxay kuguulaysteen in ay xakameeyaan falal argegixiso oo ay Alshabaab doonaysay inay itoobiya kafuliso.•dhawaan waxaan soo bandhigi doona warbixin hawlo laga qabtay falal dalka masiibo kuridi lahaa.