Dhakhtarkii uga digey dadka Shiinaha Xanuunka Korona Virus oo maanta geeriyoodey.

90

Dr. Lee Wingling oo ahaa dhakhtarkii ugu horeeyey ee ka diga xanuuna Korona ayaa maanta ku geeriyoodey cusbitaal ku yaala magaalada Wuhan ee dalkaas Shiinaha, Dr. Lee ayaa ahaa dhakhtar ku takhasusey xanuunka indhaha iyo qaliinkooda, bishii decembar ee sanadkii hore ayuu uga digey saaxiibadii iyo dad kale in uu arkey xanuun aanu fahmin wali waxa uu yahay.Hase ahaadee ciidanka nabad sugida wadanka Shiinaha ayaa dhakhtarka u yeedhey una sheegey in uu dadka argagax galinayo waxa uu sheegayaan been yahay waxaana laga saxeexey warqad uu ku qiranayo in uu ku kacey fal aan sax ahayn, waxaase maalmo yar ka dib wadankii ka dilaacey xanuunkaas uu dhakhtarku ka digey, kaas oo hada meel ba’an maraya.