Carwo ganacsi oo maanta Jigjiga laga furey.

66

Waxaa maanta ka bilaabatay magaalada jigjiga carwo ganacsi oo lagu soo bandhigayay dhamaan noocyada kala duwan ee alaabada dharka ,maacuunta iyo noocyada electroniga .Hadaba xalfadii furitaanka carwadan oo ay ka soo qeyb galeen shacab iyo masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn ba furay wasiirka madaxtooyada ahna kusii simaha madaxweynaha DDS mudane xasan maxamed iyo wasiir ku xigeenka xafiiska haweenka iyo caruurta marwo samiira maxamed.Carwo ganacsiyeedkan ayaa kuwii hore kaga duwan iyadoo hada dakhliga ka soo baxa la doonayo in lagu caawiyo federeeshinka haweenka ee DDS si ay uga dhigtaan shaqo abuur iyo in lagu kobciyo arrimaha federeeshinka haweenka ee DDS.carwo ganacsiyeedkan ayaa socon doona labada todobaad ee soo socda.