Macadka Cilmi Baadhista Gobolka Shabeelle oo sheegay in lagu guulaystay tijaabadii abuurka Qamadiga.

86

Maareeyaha Macadka Cilmi baadhista xarunta G/Shabeelle ahna isku duwaha Mashruucan qamadiga Ismaaciil Xasan Xuseen ayaa sheegay in lagu guulaystay Mashruuca Abuurka Qamadiga oo laba bil ka hor laga hirgaliyay sedex degmo oo ka mid ah Gobolka Shabeelle xili uu waraysi gaar ah siiyay SRTV.Isku duwaha Mashruucan ahna Maareeyaha Xafiiska Cilmi Badhista Shabelle Ismaaciil Xasan Xusen waxa uu sheegay in mashruucan qamadiga tijaabadiisa lagu guulaystay islamarkaana wajiga labaad rajaynayaan in dhulka hada abuurka lagu beeray dhul ka wayn lagu abuuri doono.Mashruucan abuurka khamadiga ayaa ka danbeeyay kadib markii Raisal Wasaare Abiya Axmed ku dhawaaqay in dhulka joogiisa hooseeyo lagu abuuro 30,000 Hc si looga maarmo qamadiga ka yimaada dalka dibadiisa.Oromiya , DSH,Koonfur (Dhabuub) ,Canafar iyo Deegaanka Soomaalida ayaa laga hirgaliyay mashruucan waxaana Gobolka Shabeelle sedex degmo oo ka mid ah lagu abuuray dhul gaaraya 1951Hc abuurka qamadiga oo dhawaan la filayo in la gooyo,waana markii uugu horaysay ee mashruuc noocan ah laga fuliyo Gobalka Shabelle.