Wasiir ku Xigeenka X.wax barshada DDS oo saaka soo kormeerey dugiyada Jigjiga qaarkood.

72

Wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarshada DDS , Mudane Maxamed Rooble, ayaa saaka soo kormeerey qaar ka mid ah dugsiyada wax barshada ee caasimada Jig jiga.Waqtigaas ay booqanayeen wasiir ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta la socotey iskuulada qaarkood waxaa yarayd ardeyda soo xaadirtey faslada, waxaana suxid mudan in teeramkii 2aad ee iskuuladu shalay si rasmi ah u bilowdey, waxaanu Mudane Roobel ku booriyey ardeyda, macalimiinta iyo maamulka iskuuladaba in ay dar dar galiyaan wax barshada, la lana xisaabtamo ardey iyo macalimba cidii soo xaadiri wayda xiliga wax barshada.