Saylada xoolaha ee Cobosha oo cabasho ba’an ka muujiyey Bank la’aan.

94

Saylada xoolaha ee lagu magacaabo Cobosha oo ku taala degmada Baabili, ayaa dadka ka ganacsada xoolaha ee sayladaas u iib keena waxa ay ka cabanayaan in aanu haba yaraatee aanu halkaasi ka jirin wax adeeg bank ah, waxaaney sheegeen in ay lacagta ku qaataan kuna kaydsadaan Jawaano iyo wixii ay suura gal tahay in ay ku xafidi karaan.Arintaas ayaa keeni karta in dhibaatooyin kagaga yimadaan xaga nabad galyada iyo ilaalinta hantidaas, waxaaney baaq dheer u jeediyeen dawlada in ay gacan ka siiyo sidii halkaas looga sameyn lahaa bank ay ganacsatadaasi adeegsadaan kuna xafidaan xoolohooga.