Hay’ada laan qeyrta cas ee Jigjiga oo baabuur Ambalaaso ah lagu wareejiyey.

97

Hay’ada laan qeyrta cas qaybteeda magaalada Jigjiga ayaa waxaa maanta lagu wareejiyey sadex baabuur oo Amblaasyo ah iyo hal gaadhi oo Hard Talk, waxaaney hay’adu ka heshay deeqdan hay’ada laan qeyrta cas ee Caalamiga ah (ICRC) taas oo ugu deeqdey laba ambalaas iyo halka gaadhi ee hard talk ah, dhankeeda waxa ay hay’ada laan qeyrtu soo gadatey hal ambalaas.

Waxaa ay masuuliyiinta hay’adan iyo maamulka magaalada Jigjiga kaga hor tageen gaadiidkan duleedka magaalada gaar ahaan agagaarka buurta Kaara mardha.Ambalaasyadan ayaa u adeegi doona dadka ku dhaqan Jigjiga iyo agagaarkeeda, iyada oo lagu geyn doono Harar, Dir dhaba ilaa Addis Ababa, sida ay warbaahinta u sheegen mas’uuliyiinta hay’adu.